Madaxweynaha dalka Sri Lanka ,Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay inuu isbuucan gudihiisa magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub iyo golihiisa wasiirrada.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo un ka dib markii uu is casilay walaalkii Mahinda Rajapaksa oo ahaa ra’iisul wasaaraha Sri Lanka.
Madaxweyne Gotabaya ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee uu soo dhisaya ay aqlabiyad ku lahaan doonto baarlamaanka wadankaasi oo ka kooban 225 kuraas.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu sameyn doono isbeddello dastuuri ah oo awoodo dheeraad ah siinaya golaha xeer dejinta.