Dowladda dhexe ayaa wado qorsho lagu dardargelinaya in lacago magdhow ah la siiyo saraakiisha booliska ee dhintay ama ay dhaawacyo soo gaareen iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.
Waxaa arrikan shaaca ka qaaday xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Karanja Kibicho.
Xoghayaha ayaa sidoo kale guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka u sheegay in haddii sarkaalka amni ay ka dhammaato lacagta loogu talagalay ee caymiska caafimaad ay dowladdu taageeri doonto iyadoo la raacaya hal-beegyada waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Dr. Karanja Kibicho waxaa uu intaasi ku daray in mudnaanta koowaad la siin doono dhameystirka mashaariicda ay ka midka yihiin dhisidda saldhigyada booliska.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Fred Matiangi ayaa soo jeediyay in la dejiyo xeerar adag oo lagu maareyn karo maalgelinta ololaha siyaasadeed.
Waxaa uu sheegay inay khasab tahay in laga hor tago siyaasi kasta oo adeegsanaya lacag uu si sharci darro ah ku helay si uu xil hoggaan ugu guulaysto.




