Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa meesha ka saaray dacwad ay gudbisay wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Faadumo Geedi oo ka dhan ahayd madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto .
Dacwaddaasi ayaa ku saabsanayd in Ruto uu ku eedeysan yahay dhulal si sharci darro ah uu kula wareegay.
Hasa ahaate Muturi ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday kiiskaasi isagoo u aaneeyay in Faadumo Geedi aynan soo bandhigin caddeyn wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha ay u jeedisay Ruto.




