Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Doorashada gudoomiyaha aqalka sare oo maanta dhacaysa

Doorashada gudoomiyaha aqalka sare oo maanta dhacaysa

Maanta waxaa lagu wadaa in xarunta Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa kuxigeen.
Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa wada qaban qaabadii u dambeeysay ee doorashada, iyadoo dhamaan la diyaariyay Agabka doorashada.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay Amniga, iyagoo xiray dhamaan waddooyinka gala & kuwa ka baxa Afisiyooni, waxaana halkaas loo diidaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan meelaha qaarna dadka inay lugeeyaan aan la ogoleyn.
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen ayaa waxaa ku tartami doona musharrixiin gaaraya ilaa 12 musharrax, kuwaas oo kala ah.
Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ku tartami doona musharrixiin uu ugu horreeyo Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,Wasiirka Dastuurka Senoter Saalax Axmed Jaamac & Wasiirka Warfaafinta Senoter Cusmaan Abuukar Dubbe.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya laba Senoter oo kala ah.
1: Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed.
2: Senoter Cali Shacbaan Ibraahim.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare waxaa ku tartami doona ilaa todobo musharax oo kala ah:
1: Senoter Cabdullaahi Xersi (Timacadde)
2: Senoter Cabdi Cusmaan Xarees.
3: Senator Ilyaas Badel Gaboose.
4: Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
5: Senoter Xasan Xuseen Xaaji
6: Senoter Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
7: Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.
Sidoo kale Maalinta Arbacada ah ee Beri ah ayaa Xarunta Afisiyooni waxaa lagu qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, kuwaasoo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments