Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin Xaafada Baddacas ee Galbeedka Magaalada jowhar.
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar, kaasoo wararku sheegayaan in hal Askari uu ku dhintay laba qof oo Shacab ahna ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad saacad, isla markaana inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar si weyn looga dareemay.
Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda ayaa dhankooda sheegay inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen in kastoo aan la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Warkaan Saraakiisha Ciidamada.
Weerarka ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa kusoo beegmaya xilli Magaalada ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isla markaana dhawaan lagu qabanayo doorashada Saddexda kursi ee ugu dambeeysa kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Hirshabeelle.