Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliland oo Salaad Roob doon ah ka qaybgalay

DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliland oo Salaad Roob doon ah ka qaybgalay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada ku nool magaalada Hargeysa kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo shalay la iclaamiyey, maantana la oogay.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahim-dheere ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka Diin iyo Awqaafta Soomaaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada, wuxuuna ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan baryada ALLE, gaar ahaan weydiisashada raxmaadka oo waqtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.
Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Soomaaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isaguna umada ugu duceeyey inuu Eebbe abaaraha ka dul-qaado, isagoo shacabkana ugu baaqay inay toobad-keenka badiyaan.

Degaannada Soomaaliland ayaa waxaa xilligaan kajira abaar aad u daran taa oo saameysay dad iyo duunyo, waxana dhowr jeer Madaxda Soomaaliland ay ku baaqeen in dadka tabaalaysan loo gurmado.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments