Madaxweynaha Fransiiska oo mar kale la doortay

0
462

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kaga adkaaday murashaxa midigta fog ee Marine Le Pen doorashadii ku celiska ahayd ee Axaddii dhacday.
Waxaa uu ku guulaystay boqolkiba 58.55% codadkii la dhiibtay.
Waxaa la filaya in daarta Eiffel Tower uu Taagerayaashiisa kula dabaaldago guushiisa.
Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka haya ee dib loo doorto muddo 20 sano ah.