Madaxweynaha Maraykanka oo maanta ka hadli doono duullaanka Ruushka ee Ukraine

0
269

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in maanta isaga oo ku sugan aqalka cad uu faahfaahin ka bixiyo howlgallada militari ee ay dowladda Ruushka ka wado gudaha dalka Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadda Washington ay gabagabeynayso qorsho ay hub ugu taageerayso ciidamada difaaca ee Ukraine.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in Biden uu sharraxaad ka bixin doono halka ay marayaan dadaallada iyo taageerada uu maamulkiisa siinaya Ukraine.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Maraykanka ay shaacisay inay dalka Ukraine u fidin doonto garab istaag dhinaca gaashaan dhigga ah oo ku kacaya 800 oo milyan oo doolar.