Ciidamada ammaanka ee bartamaha dalka Sri Lanka ayaa dhaqangelinaya amar bandow ah oo halkaasi lagu soo rogay.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii ay dhaceen dibadbaxyo waawayn oo lagu dilay qof ajnabi ah.
Beesha caalamka ayaa saraakiisha ammaanka ee Sri Lanka ku dhaliishay inay awood xad dhaaf ah u adeegsanayaan la tacaalidda dibadbaxayaasha.
Shacabka mudaharaadyada dhigaya ayaa ka cabanaya sare u kaca qiimaha shidaalka sidoo kalena dalbanaya in madaxweynaha dalkaasi Gotabaya Rajapaksa uu is casilo maadaama lagu eedeyay inuusan wax ka qaban dhaqaale xumida wadankaasi.
Sri Lanka ayaa wajahaysa hoos u dhac dhaqaale oo ah kii ugu saameynta badnaa tan iyo sanadkii 1948-dii.