Israa’iil oo duqeyn ka fulisay Marinka Qaza

0
663

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn ka fuliyay marinka Qaza, iyaga oo bar-tilmaameedsaday waxa ay milatarigu ku sheegeen in ay tahay goobta hubka lagu farsameeyo ee Xamaas.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dhaawac ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Falastiin.
Weerarkan ayaa yimid ka dib markii gantaal laga soo tuuray marinka Gaza ee go’doonsan oo ku soo dhacay koonfurta dalka Israa’iil.
Xamaas ayaa wacad ku martay inaysan joojin doonin weerarada Israa’iil ka dib markii ciidamada wadanka Israa’iil ay gudaha u galeen masjidka Al-Aqsa waxaa ayna ku dhibaateeyeen Muslimiin u soo cibaado doontay.