443 qof oo ku dhimatay daadadka ku dhuftay dalka Koonfur Africa

0
337
A man walks around a damaged bridge caused by flooding in Umlazi near Durban, South Africa, April 16, 2022. REUTERS/Rogan Ward

Ugu yaraan 443 qof ayaa ku dhintay daadad saameeyay gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, sida laga soo xigtay sarkaal katirsan xukumada dalkaas, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay baadi goobayeen dad aad u tiro badan oo weli lagu la’yahay gobolka xeebta ee koonfur-bari.
Dadka ku dhintay daadadka ayaa lagu sheegay in ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah.
Sido kale 63 qof oo kale ayaa la ogeyn halka ay jiraan.
Daadkan ayaa ah kuwii ugu xoogganaa ee ku dhuftey Gobolka KwaZulu-Natal inta la xasuusto, waxaa uuna ka dhashay roobab mahiigaan ah oo gobolka ka da’ay todobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here