In ka badan 14 qof oo lagu dhaawacay Maraykanka

0
450

Toogasho laga gaystay goob laga dukaameysto oo ku taalla koonfurta Carolina ee Maraykanka ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 14 ruux.
Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane lala xiriirinayo inuu ka dambeeyay falkan oo laga soo tabiyay caasimadda gobolkaasi ee Columbia.
Dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayay da’doodu u dhexeysa 15 ilaa 73 sano sida laga soo xigtay taliyaha booliska ee magaladaasi W H “Skip” Holbrook.
Mas’uulkan ayaa xusay inuusan jirin qof toogashada ku nafwaayay.
Waxaa uu intaasi ku daray in eedeysanaha xabsiga ku jiro uu yahay 22 sano jir lagu magacaabo Jewayne M Price waxaa uuna ka mid ahaa saddex qof oo ay boolisku xireen ka dib markii la tuhmay.
Eedeysanaha ooh adda baaritaano maraya ayaa la filaya in maxkamad loo soo taago inuu si sharci darro ah u sitay bastoolad la rumeysan yahay inuu weerarka u adeegsaday.