Wadahadaladii nabadeed ee uu dhaxeeyay kooxda Taalibaan iyo dowladda dalka Afghanistan ayaa dib uga billawday magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ka dib dib u dhac ku yimid muddo toddobaadyo ah.
Afhayeenka kooxda Taaliban Maxamad Naeem ayaa baartiisa Twiter-ka qoraal uu soo dhigay ku shaaciyay wada hadalka u billawday labada dhinac kaas oo ay isku afgaarteen xoogagga Afghanistan iyo dowladda Mareykanka bishii labaad ee sanadki hore.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo ku saabsan wada hadallada u dhaxeeya labada dhinac marka laga reebo in lagu dhawaaqay in ay furmeen.