Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta sheegtay in toddobaadka soo socdo ay meesha ka saari doonto in badan oo ka mid ah tallaabooyinka ay ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID-19.
Xayiraadaha dib loo eegaya waxaa ka mid ah bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay maqaayadaha iyo meheradaha kale ee ganacsiga.
Go’aanka dowladda dalkaasi ayaa loo aaneeyay inay yaradeen astaamaha la xiriira faraca corona ee omicron in kastoo weli shacabka Kuuriyada Koonfureed laga doonayo inay sitaan afxirka.
Isbeddelka dhanka xayiraadaha ayaa dhaqangelaya 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxaya xaddidaada ah in isku imaatinka dadweynaha ay ka qayb geli karaan keliya 10 qof sida laga soo xigtay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Kim Boo-kyum oo ka hadlayay kulan looga falcelinayay caabuqa corona.
Wixii ka dambeeya Isniinta , isku soo baxyada iyo munaasabadaha kale ee Kuuriyada Koonfureed waxaa ka qayb geli karo ugu yaraan 300 oo qof.
Sidoo kale waxaa la soo afjaraya nidaamka ah in xarumaha diimeed ay ku sugnaan karaan keliya boqolkiiba 70 ee tirada dadka ay goobtaasi qaadi karto.
Ku dhawaad boqolkiiba 87 ee shacabka dalkaasi oo ah 52 milyan oo ruux ayaa si buuxda u qaatay dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa corona.