Khasaaraha nafeed ee daadadka Koonfur Afrika oo sii kordhay

0
476

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku dhintay fatahaadaha saameeyay dalka Koonfur Afrika.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay geerida 341 qof.
Waxaa weli magaalada Koonfurta bari ee dalkaasi ee Durban ka socdo howlaha samatabixinta oo gaadiidka loo adeegsanaya ay diyaarado ka mid yihiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in biyaha ay jareen waddooyinka ka dib roobab culus oo da’ay .
Shacabka magaladaasi ayaa koronto la’aan ah ilaa Isniintii la soo dhaafay.
Guddoomiyaha gobolka KwaZulu-Natal Sihle Zikalala, ayaa laga soo xigtay inay saameyn soo gaartay 40,723 qof.
Zikalala ayaa intaasi ku daray in burburka hantiyadeed ee ka dhashay daadadka uu gaaraya balaayiin shilin oo ah lacagta dalkaasi.