Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku dalbaday in xukuumadda Moscow ay xabsiga ka siidayso Vladimir Kara-Murza.
Waxaa uu xusay in xukuumadda Washington ay dhibsatay xarigga lagula kacay siyaasigan.
Waxaa u uku tilmaamay hoggaamiyaha bulshada rayidka.
Blinken ayaa intaasi ku daray inay xaaladda si dhow ula socdaan oo ay dalbanayaan in Kara Murza si degdeg ah uu dib ugu helo xurriyadiisa.