Ukraine oo sheegaysa in 10,000 oo qof lagu dilay Mariupol

0
282

Dowladda Ukraine ayaa ciidamada Ruushka ku eedeysay in duqeymo ay ka fuliyeen magaalada Mariupol ay ku dhinteen in ka badan 10,000 oo qof oo shacab ah.
Waxaa weerarrada ku dhaawacmay 8 ruux oo rayid ah sida laga soo xigtay guddoomiyaha gobolka Donetsk Pavlo Kyrylenko.
Xukuumadda Kyiv ayaa intaasi ku dartay in dowladda Ruushka ay saldhigyadeeda ku hayso maxaabiis u dhashay Ukraine.