New Zealand oo u gargaaraysa Ukraine

0
801

Dowlada New Zealand ayaa waxay go’aansatay inay wadanka Ukraine ugu deeqdo diyaarad dagaal oo ay ku jiraan 50 askari ah.
Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha New Zealand ee Jacinda Ardern.
Diyaarada dagaalka oo sida ciidamada ayaa ka ambabixi doonta wadanka New Zealand iyadoona arbacada bari dambe ay gaari doonto dalka Ukraine.
New Zealand waxay sidoo kale Ukraine siin doonta $13 milyan oo loogu talagalay in loogu muujiyo taageero militiri ah .
Tan ayaa timid iyadoo uu sii xoogsanayaa duulaanka uu Ruushka ka wado gudaha dalka Ukraine.