Iran oo xayiraad saartay 24 sarkaal oo u dhashay Maraykanka

0
570

Dowladda Iiraan ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay 24 sarkaal oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Maraykanka.
Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan argagixisannimo iyo ku xadgudubka xuquuqda aadaha ee dadweynaha Iiraan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Tehraan ayaa sheegtay in 9 qof oo dadkan ka mid ah loo bartilmaameedsaday ku lug lahaanshaha falalka argagixisada.
Waxaa dadkan ka mid ah George W Casey Junior oo horay u soo noqday madaxa shaqaalaha ee militariga Maraykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada iskudhafka ee ku sugan gudaha Ciraaq Joseph Votel.
Liiskan waxaa sidoo kale ka mid ah taliyihii hore ee taliska dhexe ee Maraykanka , xeer ilaaliyihii hore ee Donald Trump Rudy Giuliani iyo dibloomaasiyiin hore ama kuwo hadda ku sugan waddamada Falastiin iyo Lebanon balse u dhashay Maraykanka.
Mas’uuliyiinta ay dowladda Iiraan xayiraadda saartay maadaama lagu eedeynaya inay sameyeen tacaddi ka dhan ah xuquuqul insaanka ayaa gaaraya 15.
Iiraan iyo Maraykanka ayaa waxaa in muddo ah u dhexeyay khilaaf iyadoo xukuumadda Washington ay dhowr mar dalkaasi saartay cunaqabateyn.