Militariga dalka Ukraine ayaa sheegay in tan iyo markii dowladda Ruushka ay 24-kii bishii labaad ee sanadkan ku duushay wadankaasi laga dilay 19,000 oo ciidamadeeda ka mid ah.
Sidoo kale Ukraine ayaa sheeganaysa in ciidamadeeda ay burburiyeen ilaa 700 oo ah taangiyada dagaalka , baabuurta gaashaaman ee oo gaaraya 1,891 ,150 diyaaradood oo 135 ay yihiin nooca qummaatiga u kaca ee Helikobtarka.
Qoraalka waxaa uu tilmaamaya in sidoo kale burbur loo gaystay 112 ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu Ruushku u adeegsanayay duulaanka militari.
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa arrimahan shaaca kaga qaaday barta Facebook-ga.
24-kii bishii hore ayay ahayd markii gaashaanbuurta NATO ay sheegtay in Ruushka ay gudaha dalka Ukraine kaga dhinteen 15,000 oo saraakiil ciidan ah.
Dhanka kale shirkadda tareennada ee Ukraine ayaa laga soo xigtay in ilaa 30 qof lagu dilay halka 100 kalena lagu dhaawacay weerar gantaal loo adeegsaday oo uu Ruushku ku qaaday xarun tareen oo ku taalla magaalada Kramatorsk oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Donetsk.
Hasa ahaate wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow ayaa beenisay in ciidamadeeda ay fuliyeen duqeyntaasi.