Xubnaha golaha guud ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay mooshin ay ku soo afjareen xubinnimada dowladda Ruushka ee golaha xuquuqul aadanaha ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Tani ayaa timid ka dib markii xukuumadda Moscow lagu eedeyay in ciidamadeeda ay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka ay ka gaysteen dalka Ukraine.
Mooshinka oo uu Maraykanka hormuud ka ahaa ayaa waxaa codkooda ku taageeray 93 xubnood halka 24 dowladood ay ka soo horjeesteen.
Waxaa codeynta ka aamusay wakiillada 58 waddan.
Tallaabada ka dhanka ah dowladda Ruushka ayaa ansaxday maadaama la helay saddex meelood labo meel codadkii loo baahnaa.
Dowladda Ruushka ayaa horay digniin ugu jeedisay waddamada kala duwan iyadoo sheegtay in cidii mooshinka taageerta ama ka aamusta ay u aqoonsanayso inaynan qiimeyn saaxiibtinimada sidaas awgeedna ay uga falcelin doonto waxyeeleynta xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeya.
Golaha guud ee qaramada midoobay ee UNGA ayaa waxaa xubno ka ah 193 dowladood halka midka Ruushka laga saaray ee xuquuqul insaanka uu ka kooban yahay 47 xubnood.