Qaramada midoobay oo u codeynaysa qaraar ka dhan ah Ruushka

0
431

Golaha guud ee qaramada midoobay ee (UNGA) ayaa la filayaa inuu maanta u codeeyo soo jeedin ah in dowladda Ruushka laga qaadayo xubinnimadeeda golaha xuquuqul aadanaha ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada xukuumadda Moscow lagu eedeyay inay dad shacab ah xasuuq ugu gaysteen magaalada Bucha ee dalka Ukraine.
Waxaa mooshinka maanta la eegaya golaha guud ee qaramada midoobay u gudbisay ergeyga Maraykanka ku matasho UN-ta ,Linda Thomas-Greenfield.
Waxay doonaysa in Ruushku uunan ka sii mid ahaan 47-da xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay.
Afhayeenka golaha UNGA , Paulina Kubiak ayaa sheegtay inay abaare 10-ka barqanimo ee maanta ay arrintan cod u qaadi doonaan.