Madaxweynaha wadanka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa meesha ka saaray xaalad degdeg ah oo uu ku dhawaaqay.
Tani ayaa timid ka dib markii xildhibaano dhowr ah ay iskaga baxeen xisbiga talada haya ee wadankaasi.
Dowladda Sri Lanka ayaa in muddo ah la daala dhacaysay xakameynta dibadbaxyo looga soo horjeedo dhaqaale xumo wadankaasi ka jirta.
Sido kale waxaa xilkiisi iska casilay wasiirkii maaliyadda Cali Sabry hal maalin ka dib markii la magacaabay.
Isniintii ayay ahayd markii madaxweynaha Sri Lanka uu kala diray golaha wasiirrada isagoo sheegay inuu soo dhisayo maamul cusub.
Wargeyska rasmiga ee dowladda ayaa lagu soo daabacay in laga noqday fulinta xaaladdii degdegga ahayd ee dalkaasi ka dhaqan gashay Jimcihii la soo dhaafay.