UK oo dalbatay in Ruushka laga saaro guddiga xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay

0
696

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dalbanaysa in si ku meel gaar ah meesha looga saaro xubinnimada dowladda Ruushka ee golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay.
Tallaabadan ayay ku taageertay dadaal ay horay u billowday dowladda Maraykanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Liz Truss ayaa sheegtay in maadaama xukuumadda Moscow lagu eedeynayo inay dad shacab ah ku dhishay magaalada Bucha ee dalka Ukraine aynan xubin ka sii ahaan karin golaha xuquuqul aadanaha ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Waxay ku celcelisay in la hayo caddeymo wax ku ool oo ku saabsan dembiyo dagaal oo uu Ruushku ka gaystay magaaladaasi oo ay ka mid tahay xabaal wadareedyo la arkay .
Liz Truss ayaa sheegtay inay qasab tahay in xubinnimada Ruushka ku meel gaar ah loo joojiyo in kastoo dowladda dalkaasi ay iska fogeysay dhaliisha ka dhanka ah.