DHAGEYSO:QM oo qoddobo ka soo saartay xaaladaha dalka Soomaaliya

0
366

Shirkii Golaha amaanka ee qaramada midoobay uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya oo warbixino looga dhagaystay Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya u qaabilsan James Swan,Wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya iyo waliba Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamad C/risaaq, ayaa waxaa looga hadlay dhowr qoddob oo Muhiim u ah Xaaladda dalka Soomaaliya.
Qoddobada laga soo saaray Kulanka QM ayaa waxay kala ahaayeen In khilaafka iyo ismariwaaga taagan ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii lagu waday inay dhacaan ka hor 8-dii Bishaan,In aynan jiri karin cid gaar ah oo nidaam doorasho oo u gaar ah samaysan karta,In arrintu ay meel wanaagsan joogto maadaama 17 kii bishaan magaalada Baydhabo ay dhinayadu ku gaareen heshiis dhamaystiran, sidaas darteedna ay muhiim tahay in si wadajir loo hirgaliyo heshiiskaas iyo In xaaladda amaanka dalku ay halis ku jirto oo laga faa’iidaysan karo hadii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay si weyn uga walwalsan yihiin xaaladda dalka Soomaaliya, iyagoo ku celceliyay sida ay suurto gal u tahay in Soomaaliya ay la wareegto amaankeeda Maadaama 2021-22 ka lagu waday in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan amaankooda dalkooda.
Wasiirka Wasaarada arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Fedraalka Soomaaliya Maxamad C/risaaq Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay qoddobada ugu Muhiimsanaa ee shirkaas looga hadalay

Wasiirka ayaa Warbaahinta dowladda La hadlay Xilligii uu bixinayay faahfaahinta arrimaha kulankii QM.
Midowga musharixiinta iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iska hor imaad siyaasadeed.
Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay ayaan weli go’aan rasmi ah kasoo saarin xaaladda dalka Soomaaliya, hayeeshee wadatashiyo ka dib ayaa waxaa la filayaa inay go’aan ka qaataan xaaladda xilligaan ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here