Ugu yaraan afar haween ah oo ka shaqeynayay arrimaha horumarka ayaa lagu dilay weerar lala bartilmaameedsaday oo ka dhacay degmo ku taala waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan oo lagu magacaabo Waziristan.
Weerarka oo dhacay saaka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow tuulada Ippi oo dhowr kiilomitir dhanka bari ka xigta magaalada Mir Cali.
Sarkaal sare oo lagu magacabo Shafiullah Gandapur ayaa arrinkan u sheegay warbahinta Al -Jazeera.
Gaarigi waday haweenka la dilay ayaa waxaa rasaas ku furay dabley aan haybtooda la aqoon oo markiiba ka baxsaday goobta sida uu sheegay darawalkii baabuurka waday oo dhawac soo gaaray.