Wararka naga soo gaaraya dalka Uganda ayaa sheegaya in Bobi Wine oo ka mid ahaa musharaxiintii madaxweynenimo ee doorashadii guud ee sanadkan uu ka laabtay dacwad uu kaga soo horjeeday natiijadii la shaaciyay.
Mr. Wine ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay in maxkamadda ugu sarreysa wadankaas ee Supreme Court aynan dhexdhexaad ahayn.
Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Kampala ayuu Bobi Wine ka sheegay in ay go’aansadeen inay meesha ka saaraan dacwadii ay gudbiyeen maadaama aynan ku kalsooneyn in ay caddaalad helayaan.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay in maxkamaddu aynan madax banaaneyn sida uu hadalka u dhigayna garsoorayaasha ay u shaqeynayaan Museveni.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii Bobi Wine oo magaciisu rasmiga yahay Robert Kyagulanyi uu ka soo horjeestay in Yoweri Museveni uu codeynta ku soo baxay.
Museveni oo Uganda hoggaaminaya tan iyo sanadkii 1986, ayuu guddiga doorashooyinka shaaciyay in uu helay boqolkiiba 59 ee codadkii la dhiibtay 14-kii bishii koowaad ee sanadkan halka Bobi Wine uu soo hooyay 35 boqolkiiba ee codadka.
Afhayeenka waaxda garsoorka ee Uganda Solomon Muyita ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay faahfaahin bixin doonaan marka qareenada Bobi Wine ay si rasmi ah kiiska kaga noqdaan.