Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dadka ku xanniban Mariupol oo gargaar loo diray

Dadka ku xanniban Mariupol oo gargaar loo diray

Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Ukraine ay basas u direyso magaalada Mariupol ee ay saameynta wayn ka soo gaartay duullaanka militari ee Ruushka si gargaar baniaadannimo loo gaarsiiyo.
Sidoo kale shacabka halkaasi ku xanniban ayaa la soo daadgureynayaa ka dib markii xukuumadda Moscow ay xabad joojin ku dhawaaqday.
Dhanka kale dowladda Turkiga ayaa ku dadaalaysa inay isku keento wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo Ukraine si ay u wada hadlaan.
Guddiga caalamiga ee laanqayrta cas ee ICRC ayaa dhankiisa sheegaya inuu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo gurmadka loo fidinaya iyo daadgureynta dadka weli ku sugan magaalada Mariupol ee Ukraine.
ICRC ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay inay qasab tahay in dhinacyada kala duwan ay ku heshiiyaan shuruudaha jira maadaama howlgalka daadgureynta uu muhiim yahay oo ay ku xiran tahay nolosha tobanaan kun oo qof.
Afhayeenka ICRC Ewan Watson ayaa sidoo kale wakaallada wararka ee Reuters u xaqiijiyay in la qorsheeyay in howlgalka daadgureynta uu billowdo berri oo Jimco ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments