Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo sidoo kale Midowga Yurub ayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhaliilay in talooyin aan wanaagsanayn uu ka helaya la taliyeyaashiisa dhanka ammaanka.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in laga dhaadhicinayo inuu ku guulaysanayo duullaankii uu ku qaaday Ukraine balse ay iska caddahay sida ay hadalka u dhigeen in qorshahaasi uu fashilmay.
Dhanka kale madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegaya in ciidamadiisa ay u diyaar garoobayaan iska caabinta howlgal cusub oo xukuummada Moscow ay doonaysa inay ka fuliso bariga dalkaasi.