5,000 qof oo lagu dilay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine

0
382

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada dagaalada go’doomiyeen ee Mariupol lagu dilay ugu yaraan 5,000 qof, tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan xilligaasi uu Ruushka ku duullay dalka dariska la ah ee Ukraine.
Tetyana Lomakina oo la taliyaha madaxweynaha Ukraine sidoo kalena mas’uul ka ah marinnada bini’aadanimo, oo la hadashay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in qiyaastii 5,000 oo qof ilaa iyo hadda lagu aasay magaaladaasi.
Waxaa ay sheegtay in 10-kii cisho ee ugu dambeeyay ay joogsadeen in la aaso dadka ku geeriyooday weerarrada Ruushka uu ka gaystay magaalada ku taalla bariga dalka Ukraine ee Mariupol, madaaama xukuumadda Moscow ay duqeymo joogta ah ka gaysaneyso halkaasi.
Tetyana Lomakina ayaa intaasi ku dartay in magaalada Mariuopol laga yaabo in qiyaastii 10,000 qof ay ku dhinteen, madaama dad dhintay qaarkood ay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay hoostooda.
Sidoo kale 160 kun qof oo ku nool magaaladan ayaa haatan u baahan gargaar bini’aadanimo oo isugu jiro biyo, cunto iyo dawo.
Magaalada Mariupol ayaa muddo ka badan bil, waxaa ka socdo duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka ku qaadday Ukraine taasoo sababtay in magaladaasi aan la gelin ama laga soo bixin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in xaaladda halkaasi ka jirto ay tahay masiibo wayn, iyadoo ciidamada Ruushka ay halkaasi kawadaan duullaan dhanka cirka, dhulka iyo badda ah.
Waxaana magaalada Mariupol ku nool qiyaastii 450,000 oo qof.