Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay dib ula soo wareegto lacag dhan 450 milyan oo shilin taasoo lagu keydsaday akoon bangiyeed oo ka furan jasiradda Jersey.
Tani ayaa timid ka dib markii labada dhinac ay wada saxiixdeen heshiis ku aaddan dib u helidda hantida la dhacay ee qurbaha la geeyay.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagula dagaallamaya falalka musuqmaasuqa waxaana qalinka ku duugay xeer ilaaliyaha guud ee Jersey Mark Temple iyo safiirka Kenya ku matalo Ingiriiska Ambasadoor Manoah Esipisu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamullada Jersey ay lacagta dib loogu soo celinayo wadanka gacanta ku dhigeen sanadkii 2016 xilligaasi oo shirkadda Windward Trading Ltd lagu helay dembi ah khiyaano maaliyadeed.