Kooxda Taalibaan oo bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkii hore la wareegtay hoggaanka dalka Afghanistan ayaa ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee wadankaasi inay haweenka aynan u oggolaan in dullimaadyadooda ku safraan iyagoo uunan la socon qof rag ah oo ka mid ah qaraabada ugu dhow oo aan ajnabi ka ahayn.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso qaar ka mid ah saraakiisha duulista hawada ee Afghanistan.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo maalinkii Arbacada ee toddobaadkii hore la xiray dhammaan xarumaha waxbarashada, gaar ahaan dugsiyada sare ee gabdhaha, saacado un ka dib markii dib loo furay.
Xarumaha wabarashada ee Afghanistan ayaa tani iyo bishii siddeedaad ee sanadkii hore xirnaa, xilligaasi oo ay xukunka dalkaasi ay la wareegeen kooxda Taalibaan.
Laba sarkaal oo ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee Ariana Afghan airline iyo Kam Air ayaa laga soo xigtay in galinkii dambe ee shalay kooxda Taalibaan ay ku amartay inay joojiyaan in dullimaadyadooda ay ku qaadaan qof dumar ah oo kaligeed safreyso.
Taalibaan ayaa horay u mamnuucday safarrada maxalliga ee magaalooyinka dalkaasi ee haweenka keligood safra.
Hasa ahaate waxay xor u ahaayeen inay raacaan duulimaadyada iyadoo uunan qof la socon, ka hor inta aanan xayirraadan la soo saarin.
Haweenka Afghanistan ayaa laga saaray inta badan shaqooyinka dowladda iyo waxbarashada dugsiyada sare, iyadoo sidoo kale lagu amray inay si aad isu asturaan.
Taalibaan ayaa dhanka kale ballanqaaday inay wax ka beddeleyso xukunkii adkaa ee kula dhaqmi jirtay haweenka dalkaasi ee xilligii ugu horreysay ay awoodda Afghanistan maamulayeen ee intii u dhaxeysay sanadihii 1996-dii-2001.




