Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar Majid al-Ansari ayaa sheegay in tan iyo markii Ruushku uu ku duulay Ukraine 24-kii bishii labaad ee sanadkan , uu iska caddaa mowqifkooda arrintan ku aaddan.
Waxaa uu tilmaamay inay qabaan in wada hadal lagu xalliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan labada dhinac.
Waxaa uu Majid kulan ka dhacay magaalada Dhooxa ka sheegay in kastoo ay qadarinayaan xiriirka kala dhexeya reer galbeedka oo ayna tahay inay ku biiraan cambaareynta dhibaatooyinka ka jira Ukraine, haddana ay dhanka kale aaminsan yihiin in fursad la siiyo wada xaajood iyo baahida loo qabo in la wada hadlo.
Mas’uulkan ayaa xusay in qaran ahaan ay dani ugu jirto in colaadaha noocan aynan sii daba dheeraan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in maadaama Qatar ay saameyn ku yeeladahay bariga dhexe ay mas’uuliyad ka saaran tahay dardargelinta wada hadallada nabadeed ee Ukarine iyo Ruushka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar Majid al-Ansari ayaa sheegay inay si joogto ah ula xiriirayeen dhinacyada is haya ee Ruushka iyo Ukraine.




