7 ka mid ah saraakiisha doorashooyinka ee Niger oo qarax lagu dilay

0
519

Qarax miino ah oo laga gaystay gobolka galbeed ee Tillaberi ee dalka Niger ayaa waxaa ku dhintay 7 ka mid ah saraakiisha guddiga doorashooyinka wadankaas ee (CENI).
Miinada oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa la qaraxday baabuur ay sarakiishu saarnayeen xilli ay shalay Niger ka dhacaysay doorasho madaxtinimo.
Waxaa weerarka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay ku xigeenka madaxa guddiga doorashooyinka ee gobolkaas Harouna Mounkaila.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in saddex sarkaal oo kale ay dhaawacmeen.
Xubnaha guddiga doorashooyinka ee Niger ayaa qaraxa lala eegtay xilli ay wareejiyeen sanduuqyada codadka lagu rido iyo howlwadeenada qaar ka mid ah goobaha codbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here