Xilliga la qabanaya isreebreebka ODM oo la shaaciyay

0
354

Xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in laga billaabo 1-da bisha Afaraad ee sanadkan ilaa 21-ka bishaasi la qaban doono isreebreebka xisbiga.
Codbixiyeyaasha ayaa fursad u heli doono inay tilmaamaan musharraxa ay door bidayaan.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee ODM ,Catherine Muma ayaa sheegtay in howshan laga qayb gelinaya xubnaha xisbiga u diiwaangashan.
Isreebreebka ayaa lagu qaban doonaa ismaamullo kala duwan oo ay ugu horreeyaan Nakuru iyo Turkana ka hor inta aan saddex toddobaad ka dib lagu soo gabagabeyn dowlad deegaanka Nairobi.
Sidoo kale guddiga arrimaha doorashooyinka ee ODM ayaa sheegay inuu ku howlan yahay soo afjaridda turxaan bixinta lagu sameynayo shakhsiyaadka xilal doonka ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in shabakadda rasmiga ee ODM lagu soo daabaco liiska kama dambeyska ah ee musharraxiinta xisbigan matali doono marka la gaaro doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.