Japan oo shaacisay xayiraado dheeraad oo ka dhan ah Ruushka

0
350

Dowladda Japan ayaa shaacisay inay cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogayso Ruushka oo ayna sidoo kale sare u qaadday gargaarka ay u fidinayso dalka Ukraine.
Waxay Japan hoosta ka xarriiqday inay xannibi doonto hantida 25 qof oo kale kuwaasoo u dhashay Ruushka .
Sidoo kale waxay mamnuucaysa alaabta ay dalkeeda u soo dhoofiyaan 81 shirkadood oo laga leeyaahy Ruushka.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah falcelinta dowladda Japan ay ka bixinayso dullaanka militari ee uu 24-kii bishii hore Ruushku ku qaaday Ukraine.
Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ,Fumio Kishida ayaa sidoo kale sheegay inay gargaar baniaadannimo oo dhan 100 milyan oo doolar ay siinayaan Ukraine iyo waddamada kale ee dariska la ah ee taageeraya xukuumadda Kyiv.