Madaxweynaha dalka oo dhambaal gaar ah ka guddoomay dhigiisa Congo

0
364

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxaa la soo gaarsiiyay farriin gaar ah oo uu u soo diray dhigiisa wadanka Congo Denis Sassou Nguesso .
Waxaa farriinta siday oo xarunta madaxtooyada wadanka ee State House Mr. Kenyatta kula wadaagay ergeyga gaarka ah ee hoggaamiyaha Congo sidoo kalena ah wasiirka qorsheynta arrimaha gobolka , kaabayaasha iyo dayactirka waddooyinka Jean Jacques Bouya.
Mr. Bouya oo matalaya madaxweynaha Congo ayaa hoggaamiyaha Kenya uga mahadceliyay sida go’aanka leh ee uu ugu istaagay ka shaqeynta nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka bartamaha Afrika iyo si guud qaaradda.
Sidoo kale waxaa uu danjiruhu ka mahadceliyay jiritaanka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeya waddamada Kenya iyo Congo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xiriirkan uu sii xoogeystay intii uu Mr. Kenyatta talada dalka hayay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa wakiilka gaarka ah ee dhigiisa Congo u xaqiijiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay sii wadidda xiriirka dhow ee kala dhexeya dalalka kale ee qaaradda Afrika si loo xaqiijiyo nabadgalyo iyo horumar waara.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo iyo safiirka jamhuuriyadda Congo ku matalo Kenya, Jean Pierre Ossey.