Kenya oo ka mid ah waddamada laga xusayo maalinta qaaxada adduunka

0
332

Dalka Kenya ayaa ka mid ah waddamada dunida ee maanta looga dabbaal degayo maalinta caalamiga ee cudurka qaaxada ama TB-da.
Xuskan ayaa sanad walbo la qabtaa 24-ka bisha Saddexaad ee Maarso.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hal ku dhigga xuska maalinta adduunka ee qaaxada ee sanadkan uu yahay , “Invest to End TB. Save Lives,” oo loola jeedo maalgashi samee si loo cirib tiro qaaxada , noolol badbaadi.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dowladda dhexe , ismaamullada , shirkadaha gaarka ah iyo saaxiibada dhanka horumarka ee Kenya ugu baaqday inay iska kaashadaan sidii loo dabooli lahaa dulduleelka dhanka maaliyadda ee looga falceliyo xanuunkan si ay barnaamijyadan uga faa’iidaystaan muwaadiniinta iyo jiilalka dambe.
Wasaaradda ayaa cid kasta u soo jeedisay inay iska baarto cudurka qaaxada oo ayna dowladda garab ku siiso la dagaalanka xanuunkan.