Madaxweynaha Ukraine oo ku baaqay dibadbaxyo caalami oo ka dhan ah Ruushka

0
545

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku baaqay in guud ahaan caalamka ay ka dhacaan dibadbaxyo waawayn oo lagu dalbanayo in dowladda Ruushka ay soo afjarto duullaanka militari ee ay muddo bil ah ka wado gudaha Ukraine.
Sidoo kale waxaa uu gaashaanbuurta NATO ka codsaday inay Ukraine u fidiso gargaar wax ku ool ah oo aan xaddiidnayn.
Zelenskyy ayaa tilmaamay in taageerada ay uga baahan yihiin NATO ay ka mid tahay hub ay isaga difaaci karaan xukuumadda Moscow.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa baaqan soo saaray ka hor inta NATO iyo waddamada G7 aynan kulamo ku yeelan magaalada Brussels ee dalka Belgium .
Waxaa uu ku celceliyay in dowladdiisa ay reer galbeedka iyo saaxiibada kale ka rajeynayso inay qaadaan tallaabooyin adag oo ka dhan ah Ruushka.
“Waxaan NATO weydiisanaya inay ku dhawaaqdo in ay Ukraine si buuxda garab ugu siinayso sidii ay dagaalka ugu guulaysan lahayd, in xuddudeenna aan ka saarno kuwa nagu soo duulay sidoo kalena la soo celiyo nabadgalyada Ukraine ” ayuu yiri madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.
Waxaa uu intaasi ku daray inay xilligan ogaan doonaan saaxiibadooda iyo kuwa khiyaanaya.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa tilmaamay inaysan si wadajir ah Ruushka uga aqbali doonin inuu burburiyo xubin ka tirsan NATO , Midowga Yurub ee EU-da ama dalladda 7-da waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee G7.