Maraykanka oo xayiraad saaray booliska Suudaan

0
358

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay adeegga booliska dalka Suudaan ee (CRP) oo lagu eedeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Waaxda maaliyadda ee xukuumadda Washington ayaa sheegaysa in booliska Suudaan ay safka hore ka galeen howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada lagu diiddan yahay xukunka militari ee wadankaasi
Ku xigeenka xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka Brian Nelson ayaa bayaan ku sheegay in tan iyo markii 25-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore uu militariga Suudaan la wareegay xukunka dalkaasi booliska CRP ay adeegsanayeen awoodo xad dhaaf ah iyo rabshado la doonayo in lagu aamusiiyo dibadbaxayaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa maamul wanaagga.
Howlgallada ka dhanka ah mudaharaadyada shacabka ayaa waxaa lagu dilay 87 qof.