Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ardayda sameynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay xilli hore heleen warqadaha imtixaanka.
Xilli ay maanta warbaahinta kula hadashay deegaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayay Macharia hoosta ka xarriiqday inuusan jirin imtixaan loo dusiyay ardayda.
Hasa ahaate waxay qirtay inay jiraan shakhsiyaad sida ay hadalka u dhigtay aan wanaagsanayn oo xilliga rasmiga ah ka hor furay qaar ka mid ah warqadaha imtixaanka ee lagu aaminay inay keydiyaan.
Nancy Macharia waxay shaaca ka qaadday in saraakiisha laga war helay inay isku dayeen faragelinta imtixaanka maxkamad la soo taagay.
Macallimiinta lagu caddeeyo inay dembigan ku lug leeyihiin ayaa tallaabo edbin ah laga qaadi doonaa sida laga soo xigtay madaxa fulinta ee guddiga TSC.
Waxay Macharia ku celcelisay in marnaba guddi ahaan aynan oggolaan doonin in macallimiinta ay saameyn ku yeeshaan hufnaanta imtixaanka.
Madaxa fulinta ee TSC ayaa warbaahinta u sheegtay in sanadkan marka loo barbardhigo sanadihii hore, maareynta imtixaanka shahaaddiga ay heer sare tahay.
Waxay intaasi ku dartay in ismaamulka Mombasa aan laga soo tabin dhacdo xatooyo imtixaan ah.
Dhanka kale , hoggaamiyaha TSC ayaa sheegtay in bisha afaraad ee sanadkan , 60,000 oo macallimiin ah loo suurtagelin doono aqoon iyo qalab ahaanba inay fasallada hoose ee dugsiyada sare ka dhigaan culuun waafaqsan manhajka tacliinta ee CBC.
Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda macallimiin ay tiradoodu tahay 229,000 ay qaateen tababarro ku saabsan nidaamkan.
Dhinaca shaqaaleysiinta barayaasha, waxay madaxa TSC sheegtay inay rajeynayso in dowladda dhexe ay fududeyso sidii lagu howlgelin lahaa 5000 oo macallimiin dheeraad ah si loo buuxiyo gaabadka jira.
Mar ay ka hadlaysay xal u helidda macallimiin yarida ka jirta gobolka waqooyi bari ayay Nancy Macharia sheegtay in dib loo shaqaaleysiinaya macallimiinta howlgabka noqday ee ay da’doodu ka hooseyso 65 sano.
Ugu dambeyntii waxay Nancy Macharia tilmaantay inay gudbiyeen codsiyo ku saabsan sidii ardayda macallinimada baranaya loogu oggolaan lahaa inay sii shaqeeyaan.
TSC CEO Dr Nancy Macharia supervises the distribution of Day Seven #KCSE2021 examination at Kisauni container, Mombasa County. pic.twitter.com/qLTZWxjNhV
— TSC (@TSC_KE) March 22, 2022