Bangiga adduunka oo dhaqaale ugu deeqaya bulshooyinka uu Ayaxa saameeyay

0
312

Bangiga adduunka oo kaashanaya dowladda ayaa gabagabeeyay qorsho lagu taageerayo bulshooyinka ku nool 15 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Taageeradan dhaqaale ayaa ah mid looga falcelinayo saameynta ka dhalatay Ayaxii horay ugu degay qaybo ka mid ah dalka.
Ayaxa ayaa xaalufiyay dhirta , daaqa iyo dalagga beeraha taasoo hoos u dhac ku keentay wax soo saarka dhanka cunnada.
Ismaamullada barnaamijkan ka faa’iidaysanaya waxaa ka mid ah Turkana iyadoo tababarro loo qabtay beeralay ka soo jeedda ilaa 10 ka mid ah deegaannada hoose ee dowlad deegaankaasi.