Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda China Eastern Airlines oo sidday 132 qof ayaa ku burburtay koonfurta dalka Shiinaha, sida uu sheegay teleefishanka dowladda Shiinaha ee CCTV.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed.
Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku burburtay dhulka miyiga ah ee u dhow magaalada Wuzhou ee gobolka Guangxi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in halkaasi loo diray kooxo samatabixin ah.
Qodobkan wixii kasoo kordho halkan aad kala socon doontaan.