Howlgal lagu beegsanaya dukaamada iibiya kareemada dawooyinka ka sameysan oo dalka laga billaabay

0
472

Guddiga dowladda dhexe u qaabilsan qiimeynta tayada dawooyinka iyo ka hor tagga isticmaalka waxyaabaha sunta ah ee PPB, ayaa billaabay howlgalo lagu beegsanayo dukaamada iibiya kareemada dawooyinka ka sameysan oo ay dumarka isku qurxiyaan.
Guddigan ayaa sheegay in howlgalladan ay billaabeen 18-kii bishan, islamarkaana uu soconayo muddo toddobaad ah.
Waxaa ilaa hadda ugu yaraan lagu soo qabtay howlgalkan 48 qof.
Sarkaalka ugu sarreeya guddiga PPB Julius Kaluai ayaa sheegay in kareemada dawada ka sameysan ay tahay in lagu iibiyo farmashiyaasha, islamarkaana uu dhakhtar caafimaad oo si gaar takhasus u leh cudurrada maqaarka uu soo qoro.
Kareemada dawooyinka ayaa caadiyan loo isticmaalaa in lagu daweeyo caabuqyada maqaarka la xiriira sida finanka iyo cambaarta.
Waxaa dhanka kale farmashiyaasha sida jumlada dawooyinka u iibaya looga digay inay dawooyinka ka iibiyaan xarumaha caafimaadka ee ruqsada shaqo aan haysan ee guud ahaan dalka.