Jimi Wanjigi oo berri loo ansaxinaya musharraxa madaxweyne ee Safina

0
389

Ugu yaraan 2,000 oo ergo ah ayaa la filaya inay berri ka qayb galaan shirweynaha xisbiga Safina ee uu hoggaamiyo garyaqaan sare Paul Muite.
Mas’uuliyiintan ayaa ganacsade Jimi Wanjigi u ansaxin doono inuu ka mid noqdo musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Munaasabadda ayaa laga billaabo 10-ka barqanimo ee Isniinta ka dhici doonto xarunta Bomas of Kenya ee magaalada Nairobi.
Bayaan uu xisbigu soo saaray ayaa lagu sheegay in Wanjigi uu halkaasi si rasmi ah ugu soo bandhigi doono ololihiisa madaxtinnimo.
Jimi Wanjigi oo horay uga tirsanaa ODM ayaa u soo wareegay dhanka Safina ka dib markii sida uu sheegay lagu mucaaraday qorshihiisa uu ku doonayay inuu la tartamo Raila Odinga.
Xisbiga Safina ayaa la aasaaday sanadkii 1995-tii waxaana si rasmi ah loo diiwaangeliyay labo sano ka dib xilligaasi.