4 qof oo loo xiray khiyaano dhanka imtixaanka qaran ah

0
428

Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa sheegtay in laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen afar eedeysanayaal oo lala xiriirinayo khiyaano lagu tilmaamay heer sare taasoo ku saabsan imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Howlganka lagu soo qabtay tuhmanayaasha ayaa yimid ka dib markii ay ciidamadu heleen xog sirdoon oo ku aaddan inay iibinayeen warqadaha imtixaanka.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaan weli xaqiijin in warqadahaasi ay yihiin kuwo dhab ah ama faalis.
Ciidamada booliska dalka ayaa laga soo xigtay in baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in afarta eedeysanayaal ay dhigtaan qaar ka mid ah xarumaha tacliinta sare ee wadanka.
Tuhmanaha ugu muhiimsan ayaa magaciisu lagu sheegay Gideon Kibet Tanui oo loo yaqaano Evans Kipruto waana arday machadka farsamada ee Baringo ka barta culuunta tiknolojiyadda ee IT.
Waxaa laga soo qabtay qol uu ijaartay oo u dhow machadka halkaas oo uu ardayda dugsiyada sare ee Silibwet iyo Sitoito ee magaalada Molo, ismaamulka Nakuru uu ugu gudbinayay warqadaha maaddooyinka Ingiriiska iyo Keemistiri .
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu warqadaha imtixaanka ku faafinayay barta Whatsapp-ka oo ay ku xirnaayeen 70 qof sida ku cad bayaanka waaxda dambi baarista dalka.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu xubin ka yahay bar Telegram oo ay adeegsadaan in ka badan 17,000 qof.
DCI waxay sheegtay in markii ay ciidamada ammaanka soo qabanayeen Gideon Kibet Tanui , akoonkiisa Mpesa ay ku jirtay in ka badan 10,000 oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu isticmaalayay akoon gaar ah oo uu ka furtay bangiga KCB laantiisa Kabarnet oo uu lacagaha ugu soo dhaca Mpesa ku wareejinayay si aan looga ceshan.
Si aan loo aqoonsan waxaa uu nambarka taleefoonkiisa gacanta ku diiwaangeliyay sharciga qaran ee qof lagu magacaabo Evans Kiprono.
DCI waxay warbaahinta u sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ay qayb ka ahaayeen wakiillada waaxdan ee baraha bulshada iyadoo maamulaha barta Twitter-ka ee waaxda uu iska dhigay arday doonayay in warqad imtixaan laga iibiyo.
Ka dib markii Tanui la soo qabtay waxaa ciidamada ammaanka u suurtagashay inay xiraan eedeysane kale oo lagu magacaabo Kevin Kiprotich Langat oo arday ka ah jaamacadda Rongo ee ismaamulka Migori.
Waaxda dambi baarista waxay hoosta ka xarriiqday in Langat uu si joogto ah ula xiriiriyay tuhmanaha koowaad isagoo u diray warqadda imtixaanka ee maadada Ingiriiska.
Intaasi ka dib waxaa uu Langat saraakiisha u tilmaamay tuhmane saddexaad , Justice Leting oo ah arday barta sayniska siyaasadda.
Xilligii la qabanayay Leting waxaa uu qaybinayay su’aalaha maaddada Sawaaxiliga isagoo sidoo kale ku guda jiray diyaarinta jawaabaha maaddada Keemistiriga qaybteeda ficilka ama practical-ka ah.
Ka dib baaritaan lagu sameeyay barta Whatsapp-ka ee Leting waxay dambi baarayaasha arkeen wada sheekeysi dhex maray isaga iyo arday magaciisu lagu soo koobay Bett oo isna la soo qabtay.
Dambi baarayaasha ayaa hadda eegaya tobannaan sawirro ah oo laga qaaday warqadaha iyo jawaabo gacanta lagu qoray si loo ogaado shakhsiyaadka ka dambeeya.
DCI ayaa intaasi ku dartay inay sii wadi doonto dadaallada lagu soo qabanaya xubnaha kale ee kooxda qorshahan ku lugta leh oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan ismaamulka Nandi.
Shakhsiyaadkan ayay waaxdu sheegtay inay akoon ka furteen bangiga Ecobank iyagoo ardayda sameynaya imtixaanka warqad kasta kaga iibinayay 5,000 oo shilin.
Qoraalka DCI waxaa uu tilmaamaya in ardaygii doorbido in la siiyo warqadaha imtixaanka oo dhan loo sameynayay qiimo dhimis lacageed oo laga qaadayay 20,000 oo shilinka dalka ah.
Waxay waaxda dambi baarista dalka intaasi ku dartay in kastoo wasaaradda tacliinta ay ku dadaalayso sidii xatooyo looga hor tagi lahaa haddana ay jiraan qorshayaal abaabulan oo lagu carqaladeynayo dadaalka wasaaradda.