Muwaadin u dhalatay Spain oo lagu dhaawacay Turkana

0
324

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa sheegay in labo qof oo lagu dhaawacay ismaamulka Turkana ay midkood tahay muwaadin ka soo jeedda wadanka Spain.
Shalay ayay ahayd markii burcad hubeysan ay gaadiid dadweyne ku weerareen waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Kitale iyo Lodwar
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in burcadda oo saddex qof ka koobnaa ay darawalka ku amreen inuu gaariga istaajiyo balse waa uu diiday isagoo baabuurka si xowli ah u kaxeeyay.
Burcadda ayaa labo mar baabuur ka toogtay dhanka hore taasoo keentay in darawalka iyo qof rakaab ah ay dhaawacmaan.
Hasa ahaate wadihii gaariga ayay u suurtagashay inuu baabuurka geeyo isbitaalka Kainuk halkaasi oo lagu aqoonsaday in Diana Astropetros oo 40 sano jir ah ay ka soo jeeddo Spain.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aan weli laga saarin rasaasta kaga dhacday lugta midig.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in darawalka uu dhaawac fudud ka soo gaaray dhanka boowddada ka dibna la daweeyay oo isbitaalka laga saaray.
Haweeneyda u dhalatay Spain ayaa iyadana loo wareejiyay isbitaalka Kapenguria ee galbeedka Pokot si ay u hesho daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Waxaa weerarka ka badbaaday 11 qof oo rakaab ah iyadoo hadda la adkeeyay ammaanka waddada u dhexeysa Kitale iyo Lodwar.