Roobab culus oo la rajeynaya inay da’aan Isniinta soo socoto

0
885

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe ay roobab culus ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah wadanka.
Tani ayaa la sheegay inay qayb ka tahay xilli roobaadka bilaha Saddexaad ilaa Shanaad .
Waaxda ayaa barta Twitter-ka ku xustay in isbuuca afaraad ee bishan ay u badan tahay in meelo badan laga qabowsado.
Waxay tani imaanaysa iyadoo habeenkii uu huur jiro si gaar ah afartii cisho ee ugu dambeysay sida waaxdan laga soo xigtay.
Ku xigeenka agaasimaha dhanka saadaasha ee waaxdan David Koross, ayaa kuleylka habeenkii jiro ku sheegay arrin iska caadi ah ka hor inta aysan roobabka da’in.
Sida ay saadaasha tilmaamayso meelaha laga roobaysan karo waxaa ka mid ah buuraleyda galbeedka Rift Valley, dhanka harada Victoria Basin, bartamaha iyo koonfurta gobolkaasi waqooyi galbeed , buuralayda bariga Rift Valley sida Nairobi iyo meelaha uu jooggoodu hooseeya ee koonfurta bari.
Hasa ahaate waxay waaxdu tilmaamaysa in roobabka aysan ku badnaan doonin deegaananda oomanaha ee ASAL sida waqooyi bari iyo xeebta.
Bisha Afaraad ayaa la rajeynayaa in roobabka ay sii kordhaan oo ay gaaraan qaybaha kale ee dalka.