Waxaa lagu soo warramayaa in wada hadallada u dhexeya dowladaha Ruushka iyo Ukraine ay yihiin kuwo loo adeegsanaya qaabka muuqaal aragga fog.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Moscow Maria Zakharova ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxaa Zakharova laga soo xigtay in labada dhinac ay ka wada xaajoonayaan arrimaha difaaca , siyaasadda iyo baniaadannimada.