Madaxweynaha dalka oo dib u dhigay kulan berri qabsoomi lahaa

0
433

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dib u dhigay kulan lagu waday inuu berri ka dhaco xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi.
Shalay ayay ahayd markii casuumaad loo diray siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka bartamaha wadanka si ay shirkaasi uga soo qayb galaan.
Warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in siyaasiyiinta ku gacan seyray inay ka qayb galaan kulanka dib loo sii dhigay uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Moses Kuria.